Home Wararka Maanta Qiimaha Naaftada iyo Shidaalka Sweden oo Sare u kacay todobaadkan

Qiimaha Naaftada iyo Shidaalka Sweden oo Sare u kacay todobaadkan

0

Qiimaha baatroolka dalka Iswiidan waxaa ku kordhay 15 euro, qiimaha naaftada wuxuu ahaa 25 euro halkii litir ee goobaha laga buuxiyo. Tani waxay ka dhigan tahay in qiimaha baatroolka uu kordhay ilaa 1.50 karoon halkii litir tan iyo bilowgii sanadkan. Sida ay maanta qortay idaacada Sweden.

Qiimaha saliida adduunka ayaa kordhay heerkii ugu sareeyay mudo labo sano ah, taas oo ka dhalatay kororka baahida tamarta iyo qalalaasaha sii kordhaya ee Bariga Dhexe, sida weerarkii lagu qaaday xarumaha saliida ee Sacuudiga dhamaadka usbuuca.

Sare u kaca qiimaha saliida waxaa sidoo kale sabab u ah dowladaha xubnaha ka ah Ururka Wadamada dhoofiya Batroolka (OPEC) oo isku raacay in aan la kordhin xawaaraha wax soo saarka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here