Home Wararka Maanta Erna Solberg: oo Shacabka Norway u sheegtay Talaabada ay Dowlada Qaadeyso hadii...

Erna Solberg: oo Shacabka Norway u sheegtay Talaabada ay Dowlada Qaadeyso hadii aan lagu guuleysan Yareynta Corona

0
Photo: HÃ¥kon Mosvold / Larsen NTB

Haddii cadaadiska caabuqa uusan dhaqso hoos ugu dhicin, dowlada Norwey waxay soo saari doontaa talaabooyin cusub sida sharciga masaafada laba mitir ah, ugu badnaan toban qof oo xiriir sameyn kara, iyo mamnuucida cabitaanka aalkolada wadanka oo dhan.

Maanta oo Talaadada, Solberg waxay kahadashay xaalada coronavirus gudaha baarlamaanka Norway (Storting).

– Haddii aan wadajir ugu guuleysanno yareynta infekshinka tallaaboyinka maxalliga ah iyo kuwa gobollada, waxaan iska ilaalin karnaa tallaabooyinka qaran ee la xoojiyay ee sidoo kale saameyn doona meelaha uu ku yar yahay infekshanka.

“Laakiin haddii tallaabooyinka maxalliga ah, gobollada, iyo heer qaran ee aan maanta wadno ay noqdaan kuwo aan ku filnayn in la yareeyo cudurka, waa inaan soo bandhigno tallaabooyin qaran oo adag,” ayay Solberg u sheegtay Barlamaanka.

Xaaladda ayaan degganayn, faafitaanka infekshinkuna aad ayuu u sarreeyaa, ayay tiri.

“Waa inaan maaraynno inaan xakameyno,” ayaya tiri Solberg, iyadoo intaas ku dartay in Norway ay bilaabi karto furitaanka wadanka bisha May haddii ay maareyso in cudurka uu hoos u dhaco bilaha Maarso iyo Abriil.

Xaqiiqda ah in noocyada cusub ee fayraska ay noqdeen kuwa awood badan ayaa ka dhigeysa mid aad u baahan in la xakameeyo infekshanka. Sidaas awgeed ayay lagama maarmaan noqotay in degmooyin badan laga hirgaliyo tallaabooyin fara-gelin badan, ayay tiri Solberg.

Norway ayaa soo saareysa Sharciyo adag hadii xaalada Corona uu sidan u sii kordho.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here