Home Wararka Caalamka Giriiga oo Qaxooti kasoo gudbay Turkiga dib ugu Celiyay Qeybta Turkiga

Giriiga oo Qaxooti kasoo gudbay Turkiga dib ugu Celiyay Qeybta Turkiga

0

Wararka laga helayo Giriiga ayaa sheegaya in Ciidanka Boliiska ee Dalkaasi ay dib u celiyeen Qaxooti kasoo galay Dhanka Turkiga.

Qaxootiga ayaa kasoo galay dhanka Bada iyagoo isticmaalaya doon macmal ah waxana Ciidanka Booliska ay dib ugu celiyaan dhanka Turkiga.

Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Golaha Europe, Hay’adda Qaramada Midoobay ee Qaxootiga, Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka ayaa turkiga ku dhaleeceeyay Fecelida Ciidanka Giriiga ay ku sameenayaan Dadka Qaxootiga.

Sidaa laga soo xigtay Ilaalada Xeebaha Turkiga, mas’uuliyiinta Giriigga ayaa maalin walba iska celinaya muhaajiriinta sharci -darrada ah, maaddaama ay warbaahintu tilmaamtay in la helay doon ay ka buuxaan muhaajiriin oo dul sabaynaysa badda dhulka Turkiga.

Dadkii saarnaa doonta ayaa la sheegay in la garaacay waxaana looga tagay doon yar oo kuwa badbaadada ah oo aan matoor lahayn iyo cunno iyo biyo toona. Rakaab badan ayaa ku andacooday in Hantidooda ay ka dhaceen Ciidanka.

June 2021 Giriiga ayaa Dalka Turkiga ku tilmaamay Dal nabdoon oo Qaxootiga ku noolaan karaan.

 

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here