Home Wararka Maanta Gabar Somali ah oo lagu dilay Magaalada Trollhättan ee Dalka Sweden.

Gabar Somali ah oo lagu dilay Magaalada Trollhättan ee Dalka Sweden.

1

Sida uu ku waramayo Booliska Magaalada Trollhättan waxaa halkaasi lagu dilay gabar Somali ah isbuucii hore.

Dilka gabadha ayaa yimid kadib markii uu dagaal dhex maray iyada iyo Gabadh kale oo wada dagnaa Xaruun lagu Xanaaneeyo dhalinyarada da’dooda u dhaxeyso18 ilaa 13 sano jirada.

Dhibaatada ayaa ka dhacday guryaha loo yaqaano HBV-Hem kuwaasi oo Dowlada ugu tala gashay in lagu hayo dhalinyarada ka hooseeya 18 sano jirada.

Gabadha ka danbeesay Dilka oo 14 jir ah ayaa gacanta lagu hayaa sida uu sheegay Sarkaal u hadlay Ciidanka Booliska Magaalada iyagoo intaasi ku daray in Baaritaan lagu sameenayo sida dilka uu u dhacay.

Xaruumaha HBV-Hemka ayaa badanaa waxaa lagu hayaa dhalinyarada waalidkooda laga soo qaaday iyo kuwa looga baqo in naftooda ama dadka kale dhibaato u geestaan.

Somaliska Stockholm

AD

1 COMMENT

  1. Wa geri naxdiinle .Ilhay naxaristi jano haka warabiyo.waxan halkan uga tacsiyadaynya abaha iyo hoyada dhashay marka xiga eheelada inta kunool sweden iyo dalkiba asxaabtedi ay wada ardayda ahaayen.
    Ilhay naxaristi jono jaka warabiyo gacan ka xaqdaran badishaye .
    Ilhay. Samiir iyo imaan hajasiiyo eheelka asxabta musliminta.

    Reply

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here