Home Wararka Maanta Qaxootiga France gaaray oo badankooda laga cafiyay Faraha Wadamada kale.

Qaxootiga France gaaray oo badankooda laga cafiyay Faraha Wadamada kale.

0

Tan iyo markii ay xumaatay Xaalada Qaxootiga iska dhiibay wadamada Yurub Qaarkood gaar ahaan Wadamada scandinavian waxaa dadka badankooda ay gaareen Wadamada France iyo Germalka oo bilaabay cafinta Qaxootiga diidmada ka helay Wadamadaasi.

Wadanka France ayaa sanadihii u danbeeyay Waxa uu qaabilay Qaxooti badan kuwaasi oo badankooda ka tagay Wadanka Finland , Italy , , Norway, Denmark iyo Sweden.

Qaxooti oo badankooda ka cabsi qabay in ay ku soo baxaan Faraha Wadamadaasi ayaa loo sheegay in aysan laheyn wax faro ah lakin waxaa jirta tiro kooban oo loo sheegay in faro kale leeyihiin.

dhibaatada ugu badan ee heesata Qaxootiga ayaa ah in qofka uu naftiisa iyo hoygiisa daboolo inta uu ka sugayo dacwadiisa lakin waxaa uu qaadanayaa lacagta ceerta oo gaareysa 300 Euro ama 440 Euro oo ah lacagta Yurub.

dhibaatada guri la.aanta ayaa keentay in Qaxooti qaar oo somalida ku jirto in ay seexdaan Banaan cidlo ah inta dacwadooda ka xareesanayaan.

Sharciyo laga soo saaray Dalkaasi oo lagu dhimayay Qaxootiga tirada badan ayaana wali saameyn ku yeelan Tirada Qaxootiga dalkaasi gaara ee Xaduuda ka gudba maalin kasta.

Somaliska Paris

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here