Home Wararka Maanta Toogasho ka dhacday Isbitaal ku yaalla Magaalada Chicago ee Dalka Mareykanka.

Toogasho ka dhacday Isbitaal ku yaalla Magaalada Chicago ee Dalka Mareykanka.

0

Inta la xaqiijiyay Afar qof ayaa ku dhimatay ka dib markii nin hubeysan uu weerar ku qaaday Isbitaalka weyn ee Magaalada  Chicago ee dalka Mareykanka.

Afarta qof ee dhimatay labo ka mid ah oo dumar Isbitaalka ka shaqeynaayay, Askari Boolis ah iyo Ninka Weerarka soo qaaday oo Isdilay.

Booliska ayaa sidoo kale xaqiijiyay in weerarkaasi  ay ku dhaawacmeen labo ruux oo Boolis ah.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Chicago ayaa sheegay in Ciidanka Booliska ay markii ay goobta soo gaareen uu isdilay ruuxii dadka laayay ka dib markii ay dagaallameen muddo Kooban.

Waxaa uu sheegay in ay waddaan baaritaano, islamarkaana goordhow ay warbaahinta la wadaagi doonaan Macluumaad dheeraad ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here