Home Wararka Finland Finland: Qof Somali ah oo Markii ugu horeysay ka mid noqday Barlamaanka

Finland: Qof Somali ah oo Markii ugu horeysay ka mid noqday Barlamaanka

0

Markii ugu horeysay taariikhda dalka Finland waxaa xaruunta Barlamaanka fadhiistay kana mid noqday wiil somali ah.

Suldaan Saciid Axmed oo kamid noqday Barlamaanka Finland kana badalay xilkaasi Xildhibaan Paavo Arhinmäki ayaa ka hadlay taariikh-da uu sameeyay iyo sida uu u arko xilkaasi.

Waxa uu sheegay in shaqo badan u taala xildhibaan ahaan uuna Finland ka dhigayo Finland hormarsan.

Xildhibaan Paavo Arhinmäki ayaa loo doortay ku xigeenka Duqa magaalada Helsinki ee caassimada Finland taasi oo keentay in Xilka uu ka badalo.

ku biirista Barlamaanka ee Suldaanka ayaa ku soo aadeysa xili Somali badan oo dalkaasi ku sugan ay yihiin kuwa sharciga loo diiday.

Somaliska Finland

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here