Home News in English Raisal Wasaaraha Sweden Stefan Löfven oo iska Casilay Xilkii Raisal Wasaarinimo

Raisal Wasaaraha Sweden Stefan Löfven oo iska Casilay Xilkii Raisal Wasaarinimo

0

Maanta oo isniin ah ayaa la filayay go’anka Raisal wasaaraha Sweden ee Xukuumadiisa lagala noqday kalsoonida in uu u keeno xal.

Taasi badalkeeda Stefan Löfven ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkiisa Raisal wasaarinimo isagoo khudbad ka jeediyay xaruunta Barlamaanka.

Go’anka Stefan Löfven kadib Guoomiyaha Barlamaanka ayaa la wareegay Xukunka isagoo baaridoona cida noqon karta Raisal wasaaraha xiga.

Barlamaanka ayaa mar kale codkooda siinaya cida noqon karta Raisal wasaaraha Cusub xataa hadii uu mar kale dib u soo laabto Stefan Löfven.

” Wali waxaan ku jirnaa dhibaatada ka dhalatay Corona marka waa in aan doorasho kale dib u galin ayuu yiri ” Stefan.

inta Dowlada Cusub lasoo dhisayo waxaa Shaqada sii wadaya Stefan Löfven, Gudoomiyaha Barlamaankana waxana uu taageero uga baahanyahay Stefan si uu u so dooro Raisal wasaare Cusub hadii uu ka waayo caawintaasi waxay noqoneysaa in Dalka uu Doorasho aado.

Somaliska Stockholm

Xigasho/Sverigradio

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here