Finland oo Qaxooti kasoo qaadatay Giriiga Xili Qaxooti kale Sharci la’an ku heyso Wadanka

Finland ayaa ugu danbeyn dhameestirtay Qaxooti ay kasoo qaadaneysay Dalka Giriiga kuwaasi oo dib u dajin loogu sameeyay Dalka Finland.

tan iyo Sanadkii 2020 ku dhawaad 169 Qaxooti ayaa soo gaaray Finland taasi oo ka dhigan in badi la dhameestiray Tirada Qaxootiga Finland ay kasoo qaadaneysay Dalkaasi.

Qaxootiga soo gaaray Finland ayaa imaaneysa xili Tiro badan oo Qaxooti ah ay sharci la’an ku heyso dalkaasi kuwaasi oo qaarkood dib loogu celiyay dalalkooda.

Dad badan oo ku sugan Dalkaasi ayaana su’al ka keenay sababta Dowlada ay Qaxooti ku soo qadaneyso xili dad badan oo wadanka ku sugan aysan siinin sharciga.

Somaliska Sharciyada Qaxootiga iyo Wararka Caalamka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.