Home Wararka Caalamka Faransiiska waxa ka dhacay Banaan-baxyo looga soo horjeedo Sharciga Cusub ee Amniga

Faransiiska waxa ka dhacay Banaan-baxyo looga soo horjeedo Sharciga Cusub ee Amniga

0

Tiro badan oo ka mid ah magaalooyinka Faransiiska waxaa ka dhacay banaanbaxyo looga soo horjeedo sharciga cusub ee amniga ee ay soo jeedisay dowladda.

Haddii sharciga loo ansixiyo qaabkiisa hadda, wuxuu xadidayaa fursadaha duubista saraakiisha booliska ee shaqada ku jira.

Ugu yaraan 55 mudaaharaad ayaa ka dhacay agagaarka Faransiiska Sabtidii, sida ay sheegeen wakaaladaha wararka dpa iyo AFP.

Dowlada Faransiiska ayaa wada qorshe cusub iyo Sharciyo lagu xadidayo dadka muuqaalka ku duuba Mobile-kooda lakin dad badan ayaa u arka mid looga soo horjeedo xuriyada.

Xisbiyada Wadanka ayaana taageersan Sharciga cusub kaasi oo wali aanan la ansixin.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here