Home Wararka Caalamka Dowlada Imaaraatka Carabta oo soo saartay Sharci Cusub oo ajaanibta Caawinaya

Dowlada Imaaraatka Carabta oo soo saartay Sharci Cusub oo ajaanibta Caawinaya

0

Imaaraatka Carabta ayaa sameeyay isbaddal u ogolaanaya dalkan ku yaalla Khaliijka in uu dhalasho siiyo maalgashadeyaasha iyo xirfadlayaal kale oo ay ku jiraan saynisyahannada, dhaqaatiirta iyo qoysaskooda, dowladda ayaa warkan shaacisay maanta oo Sabti ah.

Dhaqaalaha Imaaraadka oo soo saarista saliidda iyo gaasku ay halbowle u yihiin ayaa waxaa saameeyay cudurka safmarka ah ee coronavirus iyo qiimaha saliidda oo hooseeya, taasi oo keentay tobanaan kun oo dadka dalkaasi ka shaqeysta ah isaga tagaan dalkaasi.

“Golaha wasiirada Imaaraatka, maxkamadaha maxalliga ah iyo goleyaasha fulinta ayaa magacaabi doona kuwa u qalma jinsiyadda, iyada oo la raacayo shuruudo qeexan oo loo dejiyay qayb kasta,” Amiirka Dubai ahna Madaxweyne ku xigeenka Imaaraatka Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum ayaa sidaas ku sheegay qoraal uu soo dhigay twitter.

Sharcigu waxa uu u oggol yahay dadka la siinayo baasaboorka Imaaraat-ka in ay sii haysan karaan dhalashadooda,” ayuu Sheikh Mohammed qoraalkiisa sii raaciyay.

Ma cadda in dadka la siiyo baasaboorrada cusub ay ka faa’iideysan doonaan nidaamka daryeelka bulshada ee ka jira dalkaasi. Imaaraatku waxa uu balaayiin doollar ku bixiyaa sanad walba waxbarasho bilaash ah, daryeel caafimaad, amaah guriyeynta lagu bixiyo iyo deeqo loogu talogalay qiyaastii 1.4 milyan oo muwaadiniinta dalkaasi ah.

Ajaaniibta ku nool Imaaraatka badanaa waxaa la siiyaa fiisooyin dib loo cusboonaysiin karo oo kaliya shaqeynaya dhowr sano kuwaasi oo lagu bixiyo shaqada. Dawladdu waxa ay dhowaan dabcisay siyaasaddeeda fiisaha, iyadoo bilowday in ay degenaansho waqti dheer ah siiso maalgashadayaasha qaarkood, ardayda iyo xirfadlayaasha.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here