Home Wararka Caalamka Faransiiska oo xiray Siyaasiga Danishka ee Rasmus Paludan oo qorsheenayay gubista Quraanka

Faransiiska oo xiray Siyaasiga Danishka ee Rasmus Paludan oo qorsheenayay gubista Quraanka

0
Photo: HÃ¥kon Mosvold Larsen / NTB TT

Gudoomiyaha xisbiga Stram Kurs, Rasmus Paludan, ayaa lagu xiray Caasimada Dalka Faransiiska ee Paris. Sidaas waxa xaqiijiyey safaaradda deenishka ee Paris sida uu ku waramayo TV2.

Paludan ayaa la xiray isagoo qorsheynaya inuu ku gubo Quraanka Kariimka Arc de Triomphe, sidaasi oo kale ayaa dhawaan laga soo ceeriyay Dalka Biljimka halkaasi oo qorsheenayay in uu ku gubo quraanka kariimka.

Wargeyska Faransiiska ee Le Point ayaa qoray in Paludan la xiray Arbacadii saacadu markay ahayd 2.30 pm markii uu ka soo baxay Hotel ku yaalla xaafada 12-aad ee uu kula noolaa kaaliyihiisa

Sida laga soo xigtay TV2, Le Point ayaa qoray in Rasmus Paludan uu ku jiro liiska argagixisada Faransiiska.

Sida ay qortay BBC-da, shan ka mid ah taageerayaasha Paludan ayaa Khamiistii laga soo tarxiilay dalka Belgium.

Somaliska Paris

Xigasho/Nordnews

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here