Home Wararka Maanta Dowlada oo soo jeedisay in Shaqaalaha loo fududeeyo ku shaqeynta guriga

Dowlada oo soo jeedisay in Shaqaalaha loo fududeeyo ku shaqeynta guriga

0

Wasiirka shaqada Eva Nordmark ayaa ku boorisay loo shaqeeyayaasha inay awood u siiyaan shaqaale badan inay ku shaqeeyaan guryahooda maadaama cudurka Corona uu ku sii kordhayo dalka.

Kulanka shalay, Wasiirada waxay kala hadashay wakiilada ururada shaqaalaha iyo loo shaqeeyayaasha suurtagalnimada in la qaado talaabooyin dheeri ah oo lagu kordhinayo boqolkiiba shaqaalaha guryahooda, iyo in la sugo jawi shaqo oo caafimaad qaba kuwaa oo tagaya goobahooda shaqo

Kulankan ayaa waxaa ka soo qeyb galay wakiilo ka socda Isutaga Shirkadaha Sweden, LO, TCO .iyo SKR

Wasiirada ayaa tiri “Waxaa waajib ku ah dad badan inay qaadaan mas’uuliyadda, iyo baahida loo qabo in loo suurtageliyo kooxaha xirfadleyda ah in ay ku shaqeeyaan guryahooda”

Waxay ku nuuxnuuxsatay in loo shaqeeyayaashu ay tahay inay u fududeeyaan shaqaalaha inay shaqadooda ku qabtaan guryahooda, waxayna u aragtay inay tahay wax xun qofka shaqaalaha ah inuu tago goobtiisa shaqada, haddii uu awoodo inuu ku shaqeeyo guriga

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here