Home Wararka Maanta Darawal Bus oo loo dilay Marada Afka lagu xirto (munskydd) darteed

Darawal Bus oo loo dilay Marada Afka lagu xirto (munskydd) darteed

0

Dalka Faransiiska gaar ahaan Magaalada Bayonnes ayaa lagu dilay Darawal Bus kaasi oo sababsaday Marada Afka lagu xirto Xiliga Safarada Dilkiisa ayaana Yimid kadib Markii Koox rakaab ah uu ka codsaday Xirashada maradaasi.

Darawalka oo 59 sano jir ah ayaa u dhintay dhaawaca kasoo gaaray dhibaatada uu kala kulmay Kooxda Rakaabka waxaana shalay oo Jimco ah geeridiisa Xaqiijiaay gabadh uu dhalay sida Somaliska ay kasoo xigatay warbaahinta gudaha.

Booliska Magaalada Bayonnes ayaa baaritaan dheer kadib soo qabtay Dadkii ka danbeeyay falkaasi waxaa kaloo booliska ku raadjoogaa 50 Qof oo lagu eedeeyay in ay Qariyeen Falkaasi.

Darawalada Magaalada Bayonnes ayaa ku dhawaaqay joojinta Shaqadooda sababo dhanka amaanka waxaana la filayaa in maanta oo sabti ah Halkaasi gaaro wasiirka Arimaha gudaha france Gérald Darmanin.

Somaliska France

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here