Home Wararka Maanta Baaritaan lagu sameenayo Dhimashadii Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Muxudiin Celi oo dood ka...

Baaritaan lagu sameenayo Dhimashadii Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Muxudiin Celi oo dood ka taagan

0

Dowlada Sweden gaar ahaan Hay’ada u qaabilsan Dowlada arimaha lasocodka Caafimadka iyo daryeelka bulshada ee loo yaqaano Inspektionen för vård och omsorg, IVO. ayaa bilaabay baaritaan la xiriira Dhimashada Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Muxudiin Celi oo kamid ahaa culumada ugu weyn Gotenborg ee dariiqada Suufiyada kaasi oo u dhintay Corona isagoo aan helin wax caawin ah xiliga loo baahnaa.

Shiikha ayaa Warbixintiisa waxaa wax ka qoray Talafashinka Dowlada ee SVT waxana uu xiriir la sameeyay inta uusan dhiman ka hor qeybta Caafimaadka ee Biskopsgården kuwaasi oo diiday Codsi la xiriira in la caawiyo waana qodobka ugu weyn ee sababay in baaritaan lagu sameeyo dhimashada shiikha.

baaritaan hordhac ayaa muujinaya in Qeybta Caafimaadka ay xiriir la sameeyeen hal mar oo kaliya markaasi oo shiikha sheegay in uu dareemayo qandho. Neefta oo dhibeysa iyo dhiig uu matagayo waxana uu isticmaalay dawada qufaca taasi oo aan caawin.

Sida ay ku warameyso Madaxa baaritaanka kiiska mid kamid kalkaalisooyinka ayaa shiikha u qabatay wareysi dhanka taleefanka markii lala soo xiriiray Shiikha waxa uu sheegay in uu feecan yahay uu u baahan yahay dawada qufaca.

Baaritaanka ayaa ah mid ciwaan looga dhigay miyuu noolaan lahaa shiikha hadii uu heli lahaa caawin waqtigii loogu tala galay xiligaasi.

Su’alo badan ayaa miiska saaran oo la xiriira baaritaanka

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here