Home Wararka Maanta Haweeney 50 Sano jir ah oo Maxkamad loo soo taagay Aflagaado ay...

Haweeney 50 Sano jir ah oo Maxkamad loo soo taagay Aflagaado ay u geesatay Haweeney Xijaab Xiran

0

Maxkamada Degnmada jönköping ayaa lasoo taagay Haweeney 50 sano jir ah taasi oo lagu heestay Aflagaado ay u geesatay Haweeney kale oo ku sugneyd goob Farmashi ah isla markana xiran Xijaab.

Haweeneydan 50 sano jirka ayaa dawo ka gadaneysay Farmashiiyaha waxana ay aragtay Haweeneyda kale ee ku sugan Farmashiga isla markana ka shaqeeneysay waxana ay ku tiri xijaabka aad xirantahay waxaan ka qurux badan adiga oo xijaab la’an ah mana aqaan hadii lagugu qasbay in aad xirato xijaabka.

inta lagu guda jiray Su’aalaha Booliska Haweeneyda ka Shaqeeneysay Farmashiiyaha ayaa sheegtay in ay dareentay Aflagaado sida looga hadlay Xijaabkeeda oo ah si qaldan taasi oo keentay in ay ooydo.

Haweeneyda kale ayaa dafirtay Dacwada lagu soo oogay waxana goobta ka sheegtay in aysan ogeen waxa dhacay xiliga goobta ay ku  sugneyd lakin goobjoogayaal ku sugnaa goobta iyo muuqaal la duubay ayaa kamid ah cadeemaha la hayo.

lasoco kiiskaasi waxa ku soo kordha

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here