Home Wararka Maanta Duqa Magaalada Skien oo raaligalin ka bixisay Hadal ay Somalida ka sheegtay

Duqa Magaalada Skien oo raaligalin ka bixisay Hadal ay Somalida ka sheegtay

0
Poto/Medhold

Duqa Magaalada Skien ee Dalka Norwey gaar ahaan Gobolka Telemark oo qabatay shir jaraa’id ayaa raaligalin waxay siisay Somalida ku nool Magaaladeeda kuwaasi oo ka carooday hadal ay dhawaan ka sheegtay Somalida.

Hedda Foss Five ayaa dhawaan sheegtay in Dadka Somalida uu aad ugu dhex faafay xanuunka Corona marka la eego magaalada ay hogaamineyso intaasi kadib waxaa hadalka jawaab ka bixiyay somalida.

Warbaahinta gudaha iyo kuwa kale ayaa wareysi la yeeshay Somalida ku nool Skien kuwaasi oo sheegay in Hedda ay si gooni ah bartilmaameyd ugu sameesay bulshada somalida xili xanuunka uu ku faafay guud ahaan dadka oo dhan.

iyadoo shirkeeda jaraa’id kaga jawaabeyso dhaleeceynta ugu timid Somalida ayay sheegtay in Sida ay ula jeeday hadalka iyo sida loo fasiray ay kala duwanyihiin.

Hedda ayaa intaasi ku dartay in ay ula jeeday in xanuunka uu ku faafay dadka ajaanibta oo dhan ayna raaligalin u direyso dadka somalida.

Waxay ugu danbeyn sheegtay in ay magacaabeyso gudi isku dhaf ah oo Somali ku jiraan ku waasi oo kasoo talabixinayo xaalada Corona ee bulshada dhexdeeda.

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here