Home Wararka Caalamka Dowlada Ingariiska oo soo saartay Tirada Dadka la talaalay ilaa iyo Hada...

Dowlada Ingariiska oo soo saartay Tirada Dadka la talaalay ilaa iyo Hada Gudaha UK

0
Photo/Metro

Ilaa iyo 350,000 oo qof ayaa hadda qaatay tallaalkoodii ugu horreeyay ee tallaalka coronavirus ee Boqortooyada Midowday (UK).

Tiradii ugu dambeysay ayaa lagu muujiyay shirkii jaraa’id ee Downing Street waxayna ka dhigan tahay in tirada ay ka badan tahay labanlaab tan iyo Arbacadii.

Dadka nugul waxay ka bilaabeen UK talaalkii 8da Disembar iyo, Diseembar 16, Dowladu waxay ku dhawaaqday 138,000 oo qof inay qaateen tallaalka usbuuca ugu horeeya.

Tiradan ayaa hadda gaartay 350,000 maalmo kooban gudahood, sida uu sheegay raiisul wasaaraha Boris Johnson .

Wuxuu shaaca ka qaaday lambarradii ugu dambeeyay isagoo dadka ku boorinaya inay isdiiwaan geliyaan si loo helo tallaalka .

Mr Johnson wuxuu yiri: ‘Waxaan si dhow ula shaqeyneynaa maamulada la badalay si loo ilaaliyo dadka ku nool qeyb kasta oo UK ah.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here