Home Wararka Caalamka Dowlada Faransiiska oo war kasoo saartay Xaalada Madaxweyne Macron oo Corona ku...

Dowlada Faransiiska oo war kasoo saartay Xaalada Madaxweyne Macron oo Corona ku dhacay

0

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo ah 42 jir waxaa ku dhacay covid-19, laakiin xaaladdiisu waa deggan tahay , afhayeen u hadlay aqalka madaxtooyada ayaa sidaas yidhi, sida uu sheegay jariiradda Jarmalka ee Der Spiegel .

Macron wali wuxuu leeyahay astaamo sida qufac, murqo xanuun iyo daal. Jimcihii, madaxweynaha Faransiiska waxa uu soo dhigay fiidiyoow barta Twitter-ka, taas oo uu ku xaqiijinayo in madax xanuunka, qufaca iyo daalka ka sokow, uu fiicnaanayo  maalin kastana uu ka warrami doono xaaladdiisa caafimaad.

Wuxuu ku go’doonsan yahay hoyga madaxweynaha ee La Laterne oo ku yaal cirifka Versailles ee ka baxsan Paris.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here