Home News in English Laanta Socdaalka ee Migrationsverket oo ka hadashey Xaalada Qaxootiga ee Sanadkan

Laanta Socdaalka ee Migrationsverket oo ka hadashey Xaalada Qaxootiga ee Sanadkan

0
Foto: Marcus Ericsson, Henrik Montgomery / TT

Wareysi uu bixiyay Mikael Ribbenvik oo ah agaasimaha guud Laanta socdaalka ayuu kaga hadlay Qaxootiga sanadkan iska dhiibay wadanka madama lagu jiro xaalad qaxooti oo adag.

Mikael ayaa sheegay in Qaxootiga wadanka iska dhiibay isla markana ay diiwaangalisay laanta socdaalka ay yihiin dadkii wadanka horay u joogay ka hor Coronavirus isla markana boqolkiiba 10 ka yar ay yihiin kuwa wadanka banaankiisa ka yimid.

Xiritaanada Convid-19 ayaa saameyn weyn kuyeelatay inta qof ee magangalyo weydiistey Sweden.

Inta badan dadka dalbaday waxay horey u joogeen dalka, sida ay sheegtay Laanta Socdaalka oo intaasi ku dartay in sanadkan la diiwaan galiyay 12,000 kun oo Qaxooti ah.

Sababaha ugu weyn ayaa ah Xiritaanka Xuduudaha dariska iyo Duulimaadka caalamka oo hakad ku jira qaarkood ah kuwa gaabsi ah.

Tani waa isbedel aan la mid ahayn waxii hore loo arki jiray, ayuu yidhi agaasimaha guud Mikael Ribbenvik wareysiga sabtiga ee Ekot .

Sida horay u sheegtay laanta Socdaalka waxaa hoos u dhac weyn ku yimid tirada Qaxootiga wadanka iyadoo sidoo kale ay joogsadeen qaxootiga laga soo qaadi jiray wadamada caalamka

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here