Home Wararka Caalamka Dowladda Ireland oo war ka nixiyay soo saartay dadka magan-galyo doonka...

Dowladda Ireland oo war ka nixiyay soo saartay dadka magan-galyo doonka ah

0

Dowladda Ireland ayaa sheegtay in aysan awoodin in ay guryo siiso dhamaan dadka magangalyo doonka ah.

Wasaaradda isdhexgalka dalkaas ayaa sheegtay inay jiraan gabaabsi weyn oo xaga guryaha ah. Ireland ayaa waxay haatan guryo siisay in ka badan 100,000 oo qof oo 74,000 oo qof ay kamid yihiin dad ka soo cararay dagaalkii Ukraine. Wariye Ibraahim Jaamac ayaa warbixintan ka soo diray magaalada Dublin.

Go,aankaaan Qaraar ayay Shalay ku Dhawaaqday Dowlada Irland isla Shalay Dad Qaxoti ahaa oo Soo Gaaray Dalkaas ayaa Loo Sheegay inaan Gabi ahaanba loo Hayn Wax Guryo ah Xili lagu Jiro Xiliga Qaboobaha iyo U diyaargaroowga Chirismaska.

Dadka Shalay Soo gaaray Wadankaas oo isugu Jiray Rag Dumar iyo Caruur ayaa Ragii loo Diiday in lasiiyo Hoy Halka Dumarka iyo Caruurtii Lasiiyay Hooy Ay Dagaaan.

Dowlada Ireland ayaana Arintaan Sabab ugu dhigtay Dadka Imanaaya Oo Farihii ka batay isla markaasna ayasan Intaas Ka Badan Qaabili karin.

Warkaan ayaa Naxdin ku ah Dad badan oo soomaali kujirto oo Mangangalyo ahaan U Tagi jiray Dalka Ireland.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here