Home Wararka Caalamka Dowlada Uk oo go’an kasoo saartay Qaxootiga kasoo gala Dhanka Faransiiska

Dowlada Uk oo go’an kasoo saartay Qaxootiga kasoo gala Dhanka Faransiiska

0

Doonyaha sidda muhaajiriinta ee soo mara Kanaalka Ingiriiska ayaa laga celin doonaa UK, sida ay qoray warbaahinta BBC qeybta English-ka

Dawladdu waxay u oggolaatay saraakiisha Ciidanka Xudduudda inay adeegsadaan xeeladda cusub oo xaddidan.

Si kastaba ha ahaatee Faransiiska ayaa si weyn uga soo horjeeda qorshahan, isaga oo sheegay in uu jebinayo sharciga badaha isla markaana uu UK ku eedeynayo sharci jabin..

Laakiin afhayeenka Boris Johnson ayaa sheegay in qorshe kasta uu noqon doono mid “badbaado leh oo sharci ah” ayna u hoggaansami doonaan sharciga.

Tirada sii kordhaysa ee muhaajiriinta ayaa bilihii la soo dhaafay ka soo talaabayey Kanaalka Ingiriiska – illaa iyo toddobaadkanna in ka badan 1,500 oo qof ayaa doon ka soo gudbay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here