Dowlada Sweden ayaa maanta oo jimco ah ku dhawaaqday Nadaam Waxbarashada Macalimiinta oo lagu sameenayo Hormarin.
Maanta Macalimiin badan ayaa ku sugan dalka kuwaasi oo aqoontooda tahay mid aanan sidaasi u hormarsaneyn.
Tilaabadan ayay dowlada kaga danleedahay in la helo Macalimiin isku dheelitiran kuwaasi oo awood u leh inay bixiyaan heerkooda waxbarasho.
Dowlada ayaana gudi u xilsaartay gudi qaabka loo hormarinayo herka waxbarasho ee macalimiinta.
Degmooyinka qaar ee Dalka ayaa aad loogu dhaliilay inay heestaan Macalimiinta aqoontooda aad u hooseyso lakin Dadaalka dowlada ayaa meesha ka saaraya arintaasi.
Xaafada ay ku badanyihiin ajaanibta ayaa kamid ah meelaha sida aadka loogu dhaliilo in macalimiinta ay heerkooda waxbarasho aad u liidato.
Wararka kale ee Maanta
AD