Home Wararka Caalamka Dowlada Sweden oo ka Hadashey Xaquuqda ilma iska soo ridista ee Dastuuriga...

Dowlada Sweden oo ka Hadashey Xaquuqda ilma iska soo ridista ee Dastuuriga ah

0
Photo/Fredrik Sandberg / TT

Kaddib markii sharciga ilmo iska soo ridida laga saaray dalka Mareykanka, ayaa dhowr xisbi oo Iswidhish ah ayaa mowqifkooda ka dhiibtay arrintan.

Xisbiyada Centerpartiet Miljöpartiet, M iyo KD ayaa inay si dastuuri ah u ilaaliyaan xuquuqda ilmo iska soo rididda . Xisbiga Socialdemokraterna ayaa sidoo kale ku qanacsan hindisahan, sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray TV-ga Sweden.

“Waxaan diyaar u nahay in aan isku dayno arrinta ku saabsan in xuquuqdan lagu caddeeyo dastuurka,” ayay tiri wasiirka arrimaha bulshada Lena Hallingren.

Sidoo kale hogaamiyaha xisbiga Kristdemokraterna Ebba Bush ayaa ka hadashay xaqa uu u leeyahay Qofka in uu iska soo rido dalka Sweden. 

Sweden ayaa ah Dal si aad ah u taageeraan Xaqa uu Qofka uu leeyahay inuu go’an ka gaaro Jirkiisa.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here