Home News in English Erdogan oo sheegay go’anka Cusub ee Sweden iyo Tirada Argigixiso ee lagu...

Erdogan oo sheegay go’anka Cusub ee Sweden iyo Tirada Argigixiso ee lagu wareejinayo

0
Photo by Adem ALTAN / AFP

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Sweden ay ka go’an tahay inay 73 “argagixiso” u gacangeliso Turkiga.

Erdogan ayaa intaa ku daray shir jaraa’id oo uu ku qabtay gabagabada shir madaxeedka NATO ee maanta ka dhacay magaalada Madrid in Sweden iyo Finland ay ka dhabeeyaan balan qaadyadii ay la galeen Turkiga Baarlamaankeena si loo ansixiyo.

Erdogan ayaa heshiiska uu la galay labada dal u arkay “guul dublamaasiyadeed oo u soo hoyatay Turkiga” iyo “in la aqoonsan yahay welwelka Ankara ee ku aaddan argagixisada,” isagoo ugu baaqay labada dal inay si degdeg ah u beddelaan sharciyadooda la xiriira argagixisada.

“Waxaan awoodnay inaan xoojinno khadadka cas ee Turkiga,” ayuu raaciyay. Sida laga soo xigtay SVT.

Warbaahinta caalamka ayaa si weyn u hadal heysa warka ku saabsan ballan qaadka Sweden ee ah in dadka loo gacan geliyo. 

Warkan waxaa qoray wargeyska Daily Sabah ee taageera dawladda Turkiga, wakaaladda wararka ee Reuters ee Ingiriiska, iyo wargeyska Maraykanka ee Washington Post, iyo kuwo kale.

Wasiirka cadaalada iyo arrimaha gudaha Morgan Johansson ayaa ka hadlay hadalka Erdogan oo fariin qoraal ah u diray idaacadda Ekot, taasi oo uusan ku beenineyn arrinta ku saabsan dhiibista 73 qof

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here