Home Wararka Maanta Dowlada Norway oo sheegtay sababta ay u aqbaleen Basaboorka Somaliga nuuca Dublamaasiga..

Dowlada Norway oo sheegtay sababta ay u aqbaleen Basaboorka Somaliga nuuca Dublamaasiga..

0

dhawaan waxaa caasimada Norway ka dhacay kulan dhexmaray hay.ada laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Dalkaasi iyo Somalida dalkaasi u sugan,

Kulanka ayaa looga hadlay xaalada Somaliyda ku nool dalkaasi iyo Waxa laanta socdaalka kaga aadan kiisaskooda la xiriira Magangalyo doonka.

Arimo dhoor ah ayaa looga hadlay waxana Laanta socdaalka ay soo bandhigtay warbixin u muuqata kuwii hore Somalida u heesteen.

inta kulanka socday ayaa Laanta Socdaalka Norway ee loo yaqaano UDI waxaa la waydiiday su.al la xiriirta sababta markasta u aqbalaan Pasaporka Somaliga Nuuca Dublamaasiga isla markana uga soo horjeedaan Dukomentiga laga keeno Somaliga.

Masuul u hadlay UDI ayaa sheegay in ay jiraan Xiriir caalami ah oo u ogolaanaya in ay qasab ku aqbalaan basaboorka Somaliga nuuciisa Dublamaasiga.

Waxa kaloo uu sheegay Knut Holm in Hay.ada aysan aqbali karin Warqadaha ama Dokomentiga laga keeno somaliyda isagoo sheegay in aan leesku haleen karin.

ugu danbeyn ayay laanta socdaalka Norway waxa sheegtay in dhawaan gudi katirsan Laantooda ay gaareen Somaliya isla markana laga sameeyay hormar balaaran dhanka baasaboorka somaliga.

Somaliska OSlo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here