Home Wararka Maanta Faafaahin Dhoor Toogasho oo ka dhacay Caasimada Norway oo dad loo qab...

Faafaahin Dhoor Toogasho oo ka dhacay Caasimada Norway oo dad loo qab qabtay..

0

Caasimada Noway ee OSlo waxaa habeenadan ka taagan falal amaanka kasoo horjeeda kadib markii dhoor taagasho ka dhaceen Magaalada.

Subaxnimadii isniinta Abaaro 06:09 am waxaa la toogtay qof ku sugnaa Xaafada Bjørndal Booliska ayaana goobta gaaray.

Weerarka kadib booliska qofna uma qaban xiligaasi hase yeeshee waxaa jiray baaritaan la xiriira Weerarka ka dhacay goobta.

Xiliga uu dhacay weerarka saacado ka sii horeeyay Waxaa wadada Lambertseter ka dhacay dhoor toogasho hase yeeshee booliska ayaa sheegay in labada kiis aysan shaqo isku laheen.

Qofka la toogtay subaxnimadii isniinta ayaa lagu soo waramayaa in uu heestay dhalasho ajanabi inkastoo wali arinktaasi booliska cadeyn.

Madaxa Sirdoonka iyo Baaritaanka Caasimada Oslo Grete Lien Metlid ayaa sheegay in arintaasi ay la xiriirto dambiyada xaafadaha ka dhaca kadib markii uu qabtay shir ja.raa.id galabkii Isniista.

Faafaahin dheeraad ah.

isla habeenimadii isniinta baaritaan la sameeyay ayaa lagu qabtay sadax nin oo looga shakisanyahay weerarka ka dhacay Lambertseter oo dhanka waqooyi kaga beegan xaafada Bjørndal.

Ragan la qabtay ayaa gaarigooda waxaa laga helay hub kadib markii booliska ay baaritaan ku sameeyeen waxana booliska intaasi uu ku daray in ay dhici karto xiriir ka dhaxeeya dhibaatooyinka dhacay.

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here