Home Wararka Maanta Labo Qof oo lagu toogtay Xaafada Märsta ee Caasimada Stockholm..

Labo Qof oo lagu toogtay Xaafada Märsta ee Caasimada Stockholm..

0

Abaaro 20:45 pm ee caawa ayaa labo qof waxaa laga helay Xaafada Sigtuna Halkaasi oo toogasho ka dhacay.

Booliska ayaana helay digniin muujineysa toogasho ka dhacday Nawaaxiga Valsta taasi oo 3 Kilomitir u jirta Märsta Station.

Labada Qof ee la toogtay ayaa dhaawac ahaan waxaa loo dhigay isbitaalka sida Uu sheegay Afayeenka Booliska Stockholm Åsa Wallentin,

Åsa Wallentin, ayaa intaasi ku daray in Booliska bilaabeen baaritaan la xiriira Weerarka toogashada cida ka danbeesay.

Magaalada Stockholm ee Caasimada sweden ayaa kamid ah meelaha ay ka dhacaan falalka Amni ee la xiriira kooxaha gaangiska hase yeeshee lama oga weerarka caawa waxa uu salka ku hayo.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here