Home Wararka Caalamka Dowlada Mareykanka oo Kordhisay Tirada Qaxootiga ee Sanadkii Qaadaneyso

Dowlada Mareykanka oo Kordhisay Tirada Qaxootiga ee Sanadkii Qaadaneyso

0
Angela Weiss / AFP - Getty Images

Madaxweyne Joe Biden ayaa qaaday xaddiidaadda tirada qoxootiga uu sanadki dalkiisa qaabilayo uu horay u soo rogay Maamulkii Trump kaddib marki xisbigiisa uu ka dalbaday inuu ka dhabeeyo ballanqaadkiisa.

Madaxweynaha Xisbiga Jamhuuriga tirada la oggol yahay wuxuu ka dhigayaa 15,000-62,500, iyada oo ay weliba dhaliilayaan dadka iyo hay’adaha u doodo xuquuqda qaxootiga.

Mr Biden wuxuu sheegay tiradaasi yar “iney ka tarjumeyn qiyamka Mareykanka”.

Warbixinno bishii hore la soo saaray waxaa lagu sheegay iney walaac ka qabaan in dad badan oo qaxooti ah dalka lagu soo fasaxo iyada oo ay jirto tira aad u sii kordheyso oo dadka soo galootiga ah ay ku sugan yihiin xadka ay wadaagaan Mareykanka iyo Mexico.

Tirada cusub ee ah 62,500 “waxay meesha ka saareysaa tirada aadka u hooseysay” uu horay u dajiyey madaxweynihi hore ee Donald Trump, ayuu yiri Mr Biden.

Wuxuu sida oo kale sheegay inuu maamulkiisa uu damacsan yahay inuu tirada qaxootiga sanadka soo socda la aqbalayo uu ka dhigo 125,000.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here