Home Wararka Maanta Sharci Cusub oo laga soo saaray Dadka Qaatay Labada Talaal ee Safraya...

Sharci Cusub oo laga soo saaray Dadka Qaatay Labada Talaal ee Safraya kuna Sugan Norway

0
Foto: Fredrik Hagen / NTB scanpix

Dowlada Norway ayaa Sharci ama Ceer Cusub kasoo saartay Dadka Qaatay Labada talaal kuwaasi oo laga qafiifiyay Sharciyada Adag ee wadanka ka jira hada ee ku aadan Corona.

Qof walbo oo qaatay talaalka labada Qeyb ayaa laga dhaafay in la Karantiilo Xaalad walbo uu ku jiro hadii ay Tahay in uu Safar ka yimid Xili maanta Qofka la galinayo Karantiil.

Qofka qaatay Talaalka ayaa loo ogolaaday in uu gurigiisa ku soo dhaweyn karo Qof kale oo talaalka qaatay iyadoo aysan u dhaxeyn Masaafada Labada Qof iyagop isku soo dhawaan karaan.

Dowlada ayaa intaasi ku dartay in Dadka Banaanka Jooga gaar ahaan kuwa La talaalay iyo kuwa talaalka aanan qaadan uu wali qabanayo Sharciga Masaafada.

Wasiirka Caafimaadka Norway Bent Høie oo warbaahinta kala hadlay arintan ayaa sheegay in Dowlada ay wado Qorshayaal badan oo lagu fududeenayo Xayiraadaha jira iyadoo Xaalada Dalka la eegayo.

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here