Home Wararka Caalamka Dowlada Faransiiska oo Guryo Siineysa Qaxootiga ku sugan Magaalada Calais

Dowlada Faransiiska oo Guryo Siineysa Qaxootiga ku sugan Magaalada Calais

0

Boqolaal muhaajiriin ah ayaa xeryo ka sameystay waqooyiga dalka Faransiiska, iyaga oo rajo ka qaba in ay ugu dambeyn gaaraan dalka Britain. Marka loo eego tira-koobyada ilaalada xeebuhu, gudbitaanka muhaajiriinta ee kanaalka ayaa sare u kacay sanadka 2021-ka.

Muhaajiriinta laga saaray xeryo cooshadaha ka sameysan oo ku yaalla magaalada Calais ee dalka Faransiiska ayaa la siin doonaa meel ay gabaad ka dhigtaan halkii ay ka tagi lahaayeen si ay ugu wareegaan waddooyinka, sidaas waxaa sheegay madaxa xafiiska socdaalka ee Faransiiska Didier Leschi Talaadadii.

“Waxaan si nidaamsan u bixin doonnaa guryo la siiyo (muhaajiriinta) ayuu ergaygu u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

Mas’uuliyiinta Faransiiska ayaa  si joogta ah u burburiya teendhooyin muhaajiriin ah oo  ku yaal waqooyiga magaalada dekedda ah, halkaas oo boqolaal qof ay ku xareysan yihiin buundooyinka hoostooda ama kaynta iyagoo  sugaya fursad ay uga gudbaan kanaalka Ingiriiska una gudbaan Britain .

Badanaa waxaa la siiyaa digniin yar waxaana lagu khasbaa inay guuraan iyaga oo aan haysan meel ay gabaad ka dhigtaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here