Home News in English Magdalena Andersson ” Qofka Qaata Lacagta Ceyrta Waa inuu Shaqeeyaa Sidoo kalena...

Magdalena Andersson ” Qofka Qaata Lacagta Ceyrta Waa inuu Shaqeeyaa Sidoo kalena Swidhishka Bartaa ”

0

Taariikh-da markii ugu horeysay Sweden waxaa la filayaa in Qof Dumar ah loo doorto xilka Wasiirnimo fursadan oo timid markii Magdalena Andersson loo doortay hogaamiyaha Xisbiga S.

Kulan uu yeeshay Xisbiga oo ka dhacay Gotenborg ayaa lagu doortay Magdalena Andersson waxayna intaasi kadib goobta ka jeedisay khubad taabaneysa dhinacyo badan.

Somaliska.com ayaa eegeysa Khudbadeeda qeyb kamid ah oo ay ku soo hadal qaaday Dadka hela lacagta kaalmada.

Waxay sheegtay in Qofka Caafimaadka Qaba isla markana hela lacagta caawinta ama ceyrta uu isku diyaariyo barashada luuqada Afka Swedishka iyo inuu Shaqeeyo Saacado Cayiman si uu u helo lacagta kaalmada.

Hadalkan waxaa soo dhaweeyay qaar kamid ah Xisbiyada Sweden kuwaasi oo taageero siin kara iyada madama ay u baahantahay xisbiyo kale si ay dowlada u sii wado.

Dalka Denamrka ayaa horay u bilaabay Sharci lamid ah Sharcigan kaasi oo Dad badan ku kaliftay barashada luuqada si ay lacag u helaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here