Home Wararka Caalamka Doorashada Germalka oo Saameyn ku yeelan karta Habka Qaabilaada Qaxootiga ee Wadanka

Doorashada Germalka oo Saameyn ku yeelan karta Habka Qaabilaada Qaxootiga ee Wadanka

0

Doorashada Germalka ayaa lagu wadaa in ay dhacdo 26 bishan Sebtember iyadoo la dooranayo xubnaha Barlamaanka Sida uu baahiyay DW.

Abaaro 8 Subaxnimo ayay codeynta bilaabandoonta iyadoo sanduuqa codbixinta lasoo xiridoono 6 fiidnimo intaasi kadib ayaa la filayaa in natiijada lagu dhawaaqo.

Sida Somaliska.com kasoo xigatay warbaahinta gudaha Waxaa Codka dhiiban kara Qofka heesta Basaboorka dalkaasi ee wadanka ku sugan Saddex sano ka badan.

Qofka ayaana Dooran doono Warqad ay ku qoranyihiin 47 qof lakin waxa uu heestaa doorashada labo qof mid waa qofka deegaankaasi matalaya midka waa qofka xisbiga u fadhiisanaya Barlamanka.

Arinta hadal heynta ugu badan dhalisay ayaa ah in isbadal weyn ku imaanayo habka Qaabilaada Qaxootiga oo ah midka ugu wanaagsan Yurub tan iyo markiii Markel qabatay xukunka dalkaasi.

Angela Merkel ayaa ah qof lagu yaqaano caawin Qaxootiga lakin hadii uu guuleesto Xisbi kale waxaa loo badinayaa in Xaalada Qaxootiga ee Dalkaasi adkaan karto.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here