Home Wararka Caalamka Digniin laga soo saaray Roobab Xoogan oo ka da’aya Qeybo kamid ah...

Digniin laga soo saaray Roobab Xoogan oo ka da’aya Qeybo kamid ah Sweden

0

Laanta saadaasha hawada ee SMHI ayaa ka digtay roobab mahiigaan ah oo ka da’aya meelo badan oo dalka ah laga bilaabo maalinta Isniinta ah.

Sababtan awgeed, saadaasha hawada ayaa soo saaray digniin cas.

“Waxaa laga yaabaa in 100 mm roob ah meelaha qaar,” ayuu yiri Pererik Åberg oo ku takhasusay saadaasha hawada ee TV-ga Sweden.

Waxa kale oo uu ka digay, “Dabcan, waxaa jirta khatar fatahaad.”

Digniinta SMHI ee casaanka ah waxay khusaysaa gobollada Värmland, Västra Sotaland, Jönköping iyo Orebro.

Sida laga soo xigtay SMHI, roobka saadaasha wuxuu keeni karaa qulqulka biyaha “celcelis ahaan 50kii sanaba mar ama in ka yar” Värmland iyo Västra Götaland.

Digniinta cas waxay ka dhigan tahay in ay jiri karto khatar weyn oo soo foodsaarta dadweynaha iyo cawaaqib xumo aad u daran oo ku wajahan bulshada.

Xigasho : www.svt.s

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here