Home Wararka Caalamka Weeraro lagu hayo Xaruumaha Qaxootiga Germalka

Weeraro lagu hayo Xaruumaha Qaxootiga Germalka

0

Sida ku cad warbixin lagu daabacay Mareegaha Germalka waxaa korortay Weerarada lagu hayo Hoyga ay daganyihiin dadka qaxootiga ee ku nool dalkaasi kuwaasi oo sugaya kiisaskooda jawaabaha ama helay sharciga.

Meelaha sida aadka Weerarada looga geestay waxaa kamdi ah Xaruumaha ku yaalla Bavaria halkaasi oo dhoor weerar lagu ekeeyay dhoorkii todobaad ee lasoo dhaafay iyadoo dab la qabadsiiyay goobaha qaar.

Urur ka dhisan Gobolka Bavaria una dooda Qaxootiga ayaa dhacdadan la wadaagay Dowlada iyo sida wax looga qaban karo madama ay sii kordhayaan falalka.

Falalka loo geesanayo Xaruumaha Qaxootiga waxaa ka danbeeya dad asal ahaan kasoo jeeda Germalka ee Midigta fog kuwaasi oo aad uga soo horjeeda in dalkooda uu qaabilo Qaxootiga.

Dowlada ayaa dhankeeda sameenin wax tilaabo ah oo looga hortagayo falalkan oo aad isku soo taraya todobaadyadii ugu danbeeyay.

Somaliska Bavaria

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here