Home Wararka Maanta Dhalinyaro Somali ah oo si Mutadawacnimo ah uga Shaqeeyay Sweden

Dhalinyaro Somali ah oo si Mutadawacnimo ah uga Shaqeeyay Sweden

0

Tiro dhalinyaro soo galooti ah ayaa iskaa wax u qabso ah ka sameeyay mid ka mid ah aagagga gobolka Dalarna, si loo caawiyo waayeelka.

“Aniga iyo dadka hawlgabka ah ee kale ayaa guriga kalkaaliyaasha ku dhibaataysnaa, laakiin waxaan ka helay caawinaad ka urur Soomaali,” television Swedish ayaa kasoo xigtay Ulf Niskanen, oo deggan guriga xanaanada ee Tjärna Ängar ah, sida ku yidhi.

Ulf waxa uu ka soo guuray bartamaha Borlänge una guuray guri weyn oo ku yaala Tjärna Ängar. Waa aag ay booliisku ku sifeeyeen meel halis ah. Wax yar ka bacdi waxa uu bilaabay in uu la kulmo dhibaatooyin kala duwan oo kaga imaanayay tuugo iyo qaar dambiilayaal ah,kadib markii gaarigii uu saarnaa la gubay oo baaskiilka laga xaday.

Intaa waxaa dheer, dareenka amni-darrada ee Olf, iyo Asxaabta kale ee guriga lagu xanaaneeyo, waxaa sii xoojiyey xiisadda ka dhex aloosan kooxaha dambiilayaasha ah ee aaggaas.

Isagoo wareysi siinayay TV-ga Sweden ayuu tilmaamay in wixii ku dhacay isaga iyo dadkii kale ee ku sugnaa xarunta lagu xanaaneeyo dadka ay dareemayaan amni darro, taasoo keentay inay aragti xun ka qaataan soo galootiga, taasoo ka dhigan naceyb, maadaama inta badan dadka deegaankaas degan yihiin. asal ahaan shisheeye.

Ulf ayaa go’aansaday inuu la xiriiro urur Soomaaliyeed oo ku nool Tjärna Ängar, wuxuuna kala hadlay dhibaatooyinka uu kala kulmayo qaar ka mid ah dadka deegaanka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here