Home News in English Denmark: Xaafad walbo waxaa loo ogolyahay inay dagaan Boqolkiiba 30% oo Ajaanib...

Denmark: Xaafad walbo waxaa loo ogolyahay inay dagaan Boqolkiiba 30% oo Ajaanib ah

1
Foto: Magnus Hjalmarson Neideman/SvD/TT, Press/Steen Brogaard

Dalka Denmark oo ah Dalka ugu adag dhanka Qaxootiga waqtiga la joogo waxa uu soo saaray sharciyo cusub kuwaasi oo ku qotoma Qaxootiga wadanka ku sugan.

Dowlada waxay soo saartay dhawaan sharci dhigaya in la raro Qaxootiga ama ajaanibta ku nool xaafadaha raranka ee wadankaasi gaar ahaan caasimada.

Marka la gaaro Sanadka 2030 Dowlada waxay sheegtay in Xaafad walbo ay daganaandoonaan boqolkiiba 30% marka leesku daro tirada dadka ku nool xaafad walbo hadii ay tahay ajaanibta iyo dadka dhaladka ee wadanka.

Qorshaha dowlada waxaa ku jira in la adkeeyo sida guryaha xaafadaha qaar loo heli karo halka la fududeeyo xaafadaha kale ee ajaanibta u dhaween.

” Waxaan dooneynaa in aan aragto bulsho isku dhex jirta hadii ay tahay Danishka iyo waliba ajaanibta ” Wasiirka Guryeenta  Kaare Dybvad Bek ayaa sidaasi u sheegay Raadiyaha Denmark.

Sharciyada Cusub ee Denmark ayaa yimid markii xisbiyada ku jira Dowlada ay guud ahaanba noqdeen kuwa kasoo horjeeda ajaanibta.

Somaliska Copenhegan

Xigasho/radio denmark

AD

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here