Home News in English Akhriso Sharciga Cusub ee Qaxootiga Sweden, Qeybaha la adkeeyay iyo kuwa la...

Akhriso Sharciga Cusub ee Qaxootiga Sweden, Qeybaha la adkeeyay iyo kuwa la fududeeyay

68
Foto: BERTIL ERICSON / TT

Barlamaanka Dalka Sweden ayaa shalay ansixiyay Sharci Cusub oo dhanka qaxootiga Wadanka quseeya sharciga ayaa ka kooban qeybo kala duwan bahda Somaliska.com ayaa warbixintan ku eegeysa wax walbo aad uga baahantahay sharciga cusub.

Fadlan hadii aad sharaxaada fahmin qeybta hoose ee Commentiga website-ka nagu waydii su’aashaada.

ugu horeyn sharciga ayaa ah mid ku adag qaxootiga lakin qeybo badan ayaa ah kuwa fudud sida ay qabaan Xisbiyada ka jira wadanka kuwaasi oo doonaya in lasii adkeeyo.

1 Sharciga Deganaanshaha Wadanka

Sanadkan 2015 waxaa la bilaabay sharciga deganaansho oo ku meel gaar ah kaasi oo si ku meel gaar ah u soconaya tusaale hadii laguu ogolaado sharciga wadanka waxaad heleysaa sharci deganaansho oo 3 sano ama 1 sano ah marka uu kaa dhoco Sharciga isla isaga ayaa laguu kordhinayaa hadii uu wadanka nabad noqdo waxay ka dhigantahay in dib laguugu celiyo lakin hada isbadal ayaa lagu sameeyay.

isbadalka ayaa ah in sharciga loo isticmaalayo qaab abadi ah (waligeed alaha) lakin  sidii hore si lamid ah waxaa lagu siinayaa 3 sano ama 1 sano oo deganaansho ah marka luu ogolaado joogitaanka wadanka.

Faa’idada ku jirta qeybtan ayaa ah in qofka la siinayo sharci deganaansho oo rasmi ah hadii uu shaqeysto uuna helo lacag dhaqaale oo ku filan.

ugu danbeyn waxaa u fahantaa in sharciga qofka la siiyo uu wali ku meel gaar yahay lakin dowlada ay badashay mudada uu soconayo sharcigan oo ahaa qaab ku meel gaar ah

Hadii aadan fahmin fadlan qeybta hoose nagu waydii si aan kuu caawino.

1 Mideynta Qoysaska

labo qorshe ayaa jira marka la eego isku keenista qoysaska tusaale qofka hela magangalyo difaacid oo kaliya oo aan loo arkin Qaxooti  “alternativt skyddsbehövande” waxa uu helayaa 13 bilood oo sharci ah qofkaasi xaq uma laha in uu u dacwoodo qoyskiisa.

Hadii qofka loo arko Qaxooti isla markana la siiyo Sharciga Saddexda sano ( 3 sano ) waxa uu xaq u leeyahay keenista Qoyskiisa lakin sharuudo ayaa qudhiisa ku horgudban taasi oo ah in uu awoodo dhaqaalaha qof walbo oo qoyskaasi kamid ah sharuudaha kale ayaa meesha ka baxay sida guriga.

Fiiro Gaar ah hadii aad codsatay keenista qoyskaaga wixii ka horeeyay November 2015 sharcigan kuma quseeyo ee niyada qeer u sheeg.

Fadlan su’asha aad qalbiga ku heyso xaga hoose nagu waydii adiga oo culees dareemin durba waa ku soo jaawaabeynaa.

Sharciga Dugsiga Sare

dhalinyaro badan ayaa ku faa’iday markii dowlada soo saartay sharciga dugsiga sare kaasi oo dhigaya in sharciga wadanka la siiyo dhalaanka aan lala socon ee gaara waxbarashada dugsiga sare.

Sharciga cusub ee hada Barlamaanka ansixiyay ayaa dhigaya in la siiyo Deganaanshaha rasmiga hadii dhalinyarada ay dhameestaan waxbarashada heerka sare sida qofka caadiga loogu xujeeyay shaqo qofkan waxaa lagu xujeeyay xeerka waxbarasho ee sare.

Sharciga Cusub ayaa bilaabanaya 20 july

ugu danbeyn waxaa dhici karta wali in aadan fahmin Warbixinteena anaga oo juhdi ku bixinay lakin wali diyaar ayaa u nahay in aan ku caawino hadaba Halkan Hoose riix oo ka akhriso Warbixintan oo af Swedish ah oo ula tag qof garanaya luuqada si uu kuu caawiyo ama adiga qudhaada isku day.

RadioSverige Riix

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

Goor dhow lasoco warbixintan oo muuqaal ah hadii aad Xiiseeneyso Muuqaal ahaan fadlan fakarkaaga ku qor qeybta hoose

Waxaa Qoray Warkan oo Tifaftiray Caydaruus Axmed Sahal (CAYGA)

 

AD

68 COMMENTS

  1. Asc hadii aan xaraystay wixii ka horeeyay 2015 kii lkn la diiday nalashada wadankana haysto waxaa I quseeya markii sharcigaan la eego?

      • Asc wll aniga waxan jooga hada lixsano sanadkan bisha 8 aad bay i buuxsamaysaa lixdii sano miyuu i qabanayaa marsadexaad sharciga ku meelgaarka 3 sano adhi mar sadexaad wlll sanadka danbe buu iga dhacayaa kii sadexaad markaana 7 sanadood baa ii buuxsami doonto

        • Asc walaal.
          Waxaan qabaa su aashaan soo socotaa.
          Waxaa jirtaa qooskeega oo ii diinwaangashneen oo rabo in aan keensado sidee ayee suura gal ii gu naqoneen waa hooyo iyo 3 caruur ah.
          Sharciga aan hästarna waa permanent waxaana la igu keenay ilmanimo.
          Ilmana walagasootagay.
          Waxaan rajenaa in aad talo iyo tusaala aad isiindooobtaan.
          Fg. Waxaan jogaa dalka 5 sano, shaqana waan haystaa.
          Intaas waa macluumaad dheer ah .
          Mahadsanidiin.

  2. Asc walala waxaan idin waye idinya hadan rabo ina qofo u dacwooda jooga yurubta lamid maxa laga baganyhay inaan hesto shaqo fastiya mise wan u ilabikaray hadan hesto sammar joba iga soo jwaba wad mhd santhiin

    • haa walal markasta qofka wadan kale hadii uu joogo ama africa ama yurub dacwad waa isku mid shaqo sidoo kale waa in aad markasto dhaqaalo ahaan isku filantahay

          • Waxaan haystaa sharciga kumeel gaarka 2023 ayuuna iga dhacayaa shaqana waa haystaa luqada waa dhameeyay ee dugsi sare ayaa ka baxey last 4 yrs wa shaqeenyay inkasto aan wali helin fastjobb hadana waxa haystaa shaqo halsano oo aan tan dowlada ahayn? 20 July 2021 waxi ka danbeyo ma xareysan karaa sharciga abdiyada ah ? Mise ilaa uu iga dhaco midka hada waa sugayaa ? Bal Jawaab ?

    • Waxaa iga dhacay sharciga oo 3 sanno ah aniga iyo ilmahayga. Ilmahayga waxay haytaan midka Sverige lkn aniga ayaa qaxooti haysta. waan xaraynay hada waxaa sugayaa hal sanno waa maxay

  3. Hada ayan raba ina u dawcdo mana hesto shaqo fastiya ee waxaan hesta sammar job laakiin guuri wan hesta asigane wuxu jooga yuruba mela ka mida ah

    • markasta shaqada ayaa muhiim ah walal waxaana muhiim ah in sanad shaqo ah aad heysato si dacwada aysan u kala joogsan tusaale hadii shaqada kaa dhamaato oo dacwadii socota waxaa dhici karta in saameyn kugu yeelato

      Saciyo waxaan rajeynaa in aad fahantahay soo dhawow

  4. Asc walal sharciga rasmiga ee 5 sano Hadan hesto ee wadanka aan imid 7 sano kahor. 3 jeer ayan udacwoday carurteyda iyo xaaskeyga Wana laididay guri laan marka Aniga Hada sharcigan cusub gurila,aan dacwada dib maufurikara Hadan shaqeyo? Sharciga aan hesto waa Kii biniadanimada laisiyay walalyal maxa talo iga sin kartan arimaha qoyska idinko mahadsan. Allah ini xifdiyo Asc.

    • walal marka la gaaro 20 july oo uu sharcigan cusub bilaabanayo dib u celi ma jirto xog dheeri waayo markasta qofka iyo sida kiiskiisa loola macaamilo waa u gooni qof kasta lakin sida aan rajeeneyno sharcigan cusub waa uu ku saameyn karaa

      • Asc wllo waxaan haystaa diidmo waxaan imid waddanka 2015 waxaan la noolahay gabdhayda way shaqaysaa gurina way haysataa markaa ma’ii dacwaoon kartaa maxaase layga baahanyey.

  5. Asc magaceygu waa saciid muuse waxaan rabay inaa jawaab u helo dadka caruurtooda ay swedhish yihiin walidka mid uu yahay swedish midka kalena diidmo uu haysto loona diiday in lala mideeyo caruurtiisa & xaaskiisa sharcigaan cusub muxuu ka badalayaa in diid mada la diiday laba waalid midkood misana caruurta xaqooda la wada noolaasha labadiisa waalid maxuu ku soo kordhiyay ?
    Mahadsanidiin

    • walal waxaan rabaa in aan kuu sheego in uu jiro sharci aanan soo qorin oo caawinaya qofka wadanka mudo joogay oo dhigaya in sharciga la siiyo warbixin ayaa kasoo qoreenaa waadna mahadsantahay in aad qodobkan nasoo xasuusisay

    • Asc ani ahaan waxan heystay sharci 2 sano ah wona igadhacy wana dalbaday cusbonis ama dheyreys sharcigan cusub maiguseyaa wayo wali mahelin jawab hato iquseyo waxan ahay qof isgufilan ama shaqeyo marka sharciga rasmuga ah sigoni ah miyaan udalbanyaa ama ucdsanayaa. DALAB CUSUB CML? Mahadsnid

  6. Asc BAHDA somaliska.com magacaygu wa Khadar Wll Waxad SHEGTAN Hada Wax Qoxontiya Ok cusub Lama Qadanayo SWEDEN iyo USa Midkad Xog Ka Haysan Ba

    • walal qaxooti waala qaadanayaa waliba xaalada Corona waxaa yaraaday heerka qaxootiga waxaa dhici karta in qaxooti badan helaan fursad

  7. Asc aniga waxaan heestaa sharciga jineefa oo 3 sano kumeel gaar eh wuxuuna iga dhaca sanadka soo socdo marka aan dalbanaayo ku darsasho shuruudo lisku xiray maa jiro oo hada inaa diyaariyo liga rabo? ..MAHADSANÄ°DÄ°N..

    • haa walaal taas waa muhiim mida ugu horeysa isku day in aad qaab online ah u xareyso waxaa dhici karta in jawaabta si deg deg ah ku hesho mida kale shaqo waa muhiim taas oo ku caawin karta si mid rasmi ah u hesho

  8. Waxaan ahay qof wiil africa laga so qaaday waliba xeryaha qaxootiga aniga iyo hooyaday waxaan haysanaa permanent residence waxaan rabaa aabahay iyo walaashay inaan keeno sidee ku keeni karnaa oo ugu fudud maxase la iiga baahanyahay si aan u keeno

    • muhiim in aadan qaan gaarin hadii aad adiga dacwada fureyso hadii hooyo fureyso waa in ay shaqeyso abaayana aysan qaan gaarin.

      fiiro gaar ah dacwada waa nasiib iyo sida Alle kugu fududeeyo

  9. Walaal waxaan haysanaa aniga iyo xaaskaygu sharciga kumeelgaadhka ah oo sadex sano ah wuxuu naga dhacayaa hada, markaa macnuhu ma waxa weeye in sadexdano oo kale nala siinayo,isbadelku sidee ayuu ii saamaynayaa?

  10. Asc walalayaal anigu Mafahmin ilaa hada aniga xaajiga iga maqan anigu sharciga cadiya ayaan haystaa micnaha permanent ayaan haystaa maxay igu xidhayaan

  11. ASC walaal suaasha San qabaa qoyska mideynta dadan ilma isku dhalin oo ilma laheyn iyo passport somaliga iyada sharuudas mala joojiyey

    • iyadoo lagu jiro xaalada Corona kiisaska way iska daahaan lakin mar hadii aad heshay in codsigaaga gaaray laanta socdaalka iska sug jawaabta walal sharcigan wuu ku quseeyaa hadii 2015 bisha november aad ka danbeysay.

  12. Caadiyan qofka 3bil gudeheed hadii uu ku xareysto reerkiisa shuruud maleheyn sharcigii hore ee Kmg ahaa. Ma waxbaa laga bedelay qodobkaas? Hadiise qof Kiiskiisa xareystay kahor sharcigan miyuu qabanayaa? Fadlan faah faahin.

  13. Asc wll magacayga wa amiin
    Wll aniga xaskayga carurtayda waxay jogan sweden waxayn haysta midkanshanta sano marka maxaraysan dacwada
    Tankale sharciga muxu samayn ah oo igu yelanaya adinko rali ah

  14. Waad ku mahadaantihin sida aad warbixinta inoola wadagteen.waxaan idiin waydinaya waa maxay sharciga la bedelay oo ku saabsan ku meel gaarka maxaase iska bedelay?
    Wax walbo sidii bey ushaqeynayan qufka inuu shaqo haysto uu is masruufu karo taasi sharuuda weligeed way ku jirtay maxaan ugu faideysan kartaa sharciga cusub.
    Waxan haysta 3 sano sharci ah waana ku guursaday awlaadna waa ku dhalay waalidkood baa Svenska pass haysato iyaguna sidaa bey ku noqdeen. Shaqo weli ma helin waqbarasho ku jiraa sharcigii wuu iixaresanyahay maxaa is bedel ah oo aan kaga faideysankaraa?

  15. Waad ku mahadaantihin sida aad warbixinta inoola wadagteen.waxaan idiin waydinaya waa maxay sharciga la bedelay oo ku saabsan ku meel gaarka maxaase iska bedelay?
    Wax walbo sidii bey ushaqeynayan qufka inuu shaqo haysto uu is masruufu karo taasi sharuuda weligeed way ku jirtay maxaan ugu faideysan kartaa sharciga cusub.
    Waxan haysta 3 sano sharci ah waana ku guursaday awlaadna waa ku dhalay waalidkood baa Svenska pass haysato iyaguna sidaa bey ku . Shaqo weli ma helin waqbarasho ku jiraa sharcigii wuu iixaresanyahay maxaa is bedel ah oo aan kaga faideysankaraa?

  16. Maxaa is bedelay weli sharuuudii. Baa taal inaa is masruufi kartid hadaanan shaqo helin ilaa hada lkn lacag ceyr ma qaato lacag wax barashana maqaato hal karoon dowlad kama qaato maxaan kaga faideysan karaa sharcigaan la ansaxiyay?

  17. Maxaa isbedelay weli sidii waaye oo sharuudii inuu qufka is biili karo baa weli taagan maxaa is bedelay?
    Ma shaqeyo dowlad oo dhan wax kamaqaato lkn ardey baan ahay lacagta csn ma qaato sharciga qaabkuu iisamenayaa?

  18. asc sxb waxaad iisheeg taa dad ka in badan wadanka joogay oo ilmana ku dhalsy maxaa loo hayaa warkaas oo fahfah san baan rabaa waxaa jooga 9 sano ciyaaljanah 6 ciyaal ah hoohadood baa haysata sharicga wadanka iyo ayaga aniga baan wax ba hayn

  19. asc’waxaan haystaa cunug labo sano jir ah cunuga iyo hayadiis waxeey haystaan dhalasha svenska marka aniga cunuga ma ii dacwoonkaraa anigoo jooga sverige anoga sharci malihi

  20. Asc walaal waxaan haystaa sharciga kumeel gaarka ah ee arday nimo
    Waxaa lay badalay labo jeer lkn shuruudihii wali maana buuxin.
    Marka sida caadiga ahayd miyaa lay xukminayaa oo wali shuruudaha i hor yaalo. Mise dagaanshaha rasmiga codsan karaa!
    Mahadsanidin

  21. ASC WAXAN DHALAY 3 CARUUR AH. SOMALIA WAXANA HEYSTA DHALASHADA SWEDEN SIDEE UGU DACWONKARA CARUURTEYDA IYO XASKEYGA MARKEY DHALA NAYEEN CARUURTA WAXAN HEYSTAY DHALASHADA TALO ISII SHAAQO IYO GURI MALEYGA RABAA

  22. Asc
    Waxaa ahay qof dagan sweden waxa daganahay mudo dheer waxan haysanaa 3 caruur ah waxeyna haaystaan dhalashada wadan kaan hooyada waxey soo martay gariiga oo fara ku leedahay maxaa taasi sharci ah loo laga dhahay.
    Waxaa leeyahay xaas

  23. asc wllo somaliska.com waxan ubahany inaan ogaad hadii aan jiro 19 år oon rabo inaan hooyaday iyo walalday u dacwood kaliya ma waxa layga baahan yahay inaan dabaro musruufinta famligayga fadlan iga soo jaahil bixiya adinkoo mahadsan tack

  24. sharciga ku meel garka ma quseeya wixi ka horeeyey 2015 bishi 11 aniga waxan is dhiibay 2015 bishi 8aad 30 keedi marka 3 sano ayan helay

  25. Asc wll su,aal ayaan qabaa su,shaydana waa waxaan haysta sharciga ardayda waxaana laygu xujeeyey inaan barto xirfad xirfadiina waan klargareeyey sharcigana wuxuu igadhacaya bishan 6 25 shuruudakale oo laygarabay waxay ahayd markaan waxbarashada dhameeyo inaan keeno kontrakt 2sano oo shaqo ah madama hada sharcigaan soobaxay inlagadhigayo daganasho rasmi ah xaq ma,uleeyahay inaan helo daganasho rasmi ah

  26. Faa’idada ku jirta qeybtan ayaa ah in qofka la siinayo sharci deganaansho oo rasmi ah hadii uu shaqeysto uuna helo lacag dhaqaale oo ku filan.

    ugu danbeyn waxaa u fahantaa in sharciga qofka la siiyo uu wali ku meel gaar yahay lakin dowlada ay badashay mudada uu soconayo sharcigan oo ahaa qaab ku meel gaar ah

  27. Asc wr wb, Bahadan Somaliska Aadbad u Mahadsantihiin, Su’aashaydu Waxay Tahay Anigu Waxaan Dalka Kusoo Galay Sharci Italy Oo Kan Qaxoontiga Ah, Sweden Shaqo Ayaa. Ka Bilaabay Waxaan Codsaday Daganaashaha Sweden, Cala Hadiiba Dagaanasho Lay Siiyo, Ma Mid Rasmus Abbas Mise Waa Kumeel Gaadh, Waana Imisa Sano. mahadsanidiin

  28. Walal Mida an rabo in an ogaado waa qofka dacwad kufurtey ilmihiisa o 18 sano ay kayaryihiin fomka Marka an buxinayey an kucadeyey in an rabo inan lamidobo ilmaheyga 18 ay kayaryihiin waxan deganahay isla yurub o dacwada an kafurtey Marka shurudaha lagarabo hoyadoda an rabilahaa in an ogaado??? Mahadsanidiin

  29. Waxaa iga dhacay sharciga oo 3 sanno ah aniga iyo ilmahayga. Ilmahayga waxay haytaan midka Sverige lkn aniga ayaa qaxooti haysta. waan xaraynay hada waxaa sugayaa hal sanno waa maxay

  30. Asc walal waxaan hesta sharci kumeel gaarka ah si aan uhelo daganaashaha rasmika ah waxa la igaraba in aan shaqeeyo. Shaqada mudo intee la’eg aa shaqeena si aan uhelo daganashaha rasmiga eh ma 1 sano mase kabadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here