Home News in English Doorasho Cusub oo ka dhici karta Dalka Sweden

Doorasho Cusub oo ka dhici karta Dalka Sweden

0
Photo: TT

Maalinta isniinta ayaa ugu danbeysa waqtiga Raisal wasaare Stefan Löfven si uu u soo dhiso dowlada Cusub.

sida xaalka uu ku socdo Raisal wasaaraha waxaa ku adkaandoonta in uu soo dhiso dowlada cusub taasi oo keeni karta in wadanka uu galo doorasho cusub.

Tommy Möller oo dhanka arimaha siyaasada qibrad u leh ayaa warbaahinta u sheegay in Raisal wasaaraha ay ku adkaan karto wado ama hab cusub uu u sameeyo dowlada cusub.

Xisbiyada Centerpartiet, Socialdemokraterna iyo Miljöpartiet ayaa wali heshiis ku ah dhismaha dowlad lakin waxay u baahanyihiin Vänster ama Liberalerna hadii lale xubnaha barlamaanka kuma yeelan karaan Xildhibaano ku filan si dowlad u sameeyaan.

durba Xisbiga Centerpartiet ayaa diiday la shaqeynta dowlad waxayna dooneyso in hogaamiyaha xisbiga Moderaterna uu qabto Dowlada.

” Hadii Xisbiga Liberalerna uusan badalin qorshihiisa Doorasho cusub ayaa la galayaa sida uu sheeegay Tommy Möller

lasoco waxa ku soo kordha

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here