Home Wararka Caalamka Denmark oo qaaday Xayiraadaha Corona kuna Dhawaaqday inuusan Xanuunka aheyn mid halis...

Denmark oo qaaday Xayiraadaha Corona kuna Dhawaaqday inuusan Xanuunka aheyn mid halis ah

0

Dowlada Denmarka ayaa maanta ku dhawaaqday inay qaaday Xayiraadaha Corona ee ka jiray wadanka.

Warbixinta dowlada waxay raadisay in Xanuunka Corona uusan aheyn mid halis ku ah bulshada.

Xayiradaha la qaaday waxaa kamid ah in Marada afka aadan u baahneyn inaad xirato goobaha bulshada, in aadan u baahneyn shahaada talaalka iyo waliba inaad ka qeyb qaadan karto goobaha xafladaha.

in kasta oo xayiraadaha la qaaday, haddana xannibaadaha soo gelitaanka Danmark ayaa lagu kordhiyay afar toddobaad oo kale, laga bilaabo maanta. Kuwa doonaya inay Danmark soo galaan waxay u baahan yihiin inay keenaan shahaado tallaal, ama shahaado caddaynaysa inay hore ugu qaadeen Corona.

Kuwa ka imaanaya wadamada EU waxay soo gudbin karaan natiijada Tijaabo diidmo ah, ama waxay qaadan karaan tijaabada Corona ugu dambayn 24 saacadood ka dib gelitaanka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here