Home Wararka Maanta Denmark oo lagu qabtay 7 Qof oo lagu tuhunsanyahay qorsheynta Howlgalo Argigixiso

Denmark oo lagu qabtay 7 Qof oo lagu tuhunsanyahay qorsheynta Howlgalo Argigixiso

0

Booliska Denmark waxay xireen 7 qof oo looga shakisan yahay inay qorsheynayeen hal ama in ka badan oo weeraro argagixiso ah .

Dadkan ayaa lagu soo qabtay hawlgal boolis oo dhacay intii u dhaxeysay 6-dii ilaa 8-dii Febraayo, sida ay sheegtay laanta sirdoonka Denmark ee PET.

Sida laga soo xigtay bilayska , maxaabiista ayaa laga helay qaybo ka mid ah walxaha qarxa, hubna sidoo kale waa laga helay.

Lix qof oo kale ayaa looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin shabakadda, kuwaas oo iyagana la xiray.

Jarmalka gudaheeda, qof ku lug lahaa shabakadaas sidoo kale waa la xiray.

IOS-ka ayaa sheegay inay si dhab ah u qaadaneyso dhacdada, fikirkeedana uu yahay in dadka la qabtay ay damacsan yihiin iyo awood ay dambi argagixiso uga geysan karaan Denmark

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here