Home News in English Barlamaanka Norway oo go’an kasoo saaray go’aanada Tarxiilka ee Hay’ada UNE

Barlamaanka Norway oo go’an kasoo saaray go’aanada Tarxiilka ee Hay’ada UNE

0
Photo/stortinget

Barlamaanka Dalka Norway ayaa isku raacay in dib loo dhigo go’aanada Tarxiilka ee Hey’ada UNE ku sameyso dadka Qaxootiga ee ku nool Dalka kuwaasi oo la siiyo go’an dib loogu celinayo Dalkooda.

Gudiga Arimaha Gudaha ee Barlamaanka ayaa tilaabadaasi qaatay kadib markii Hay’ada UNE ay amartay in dib loo celiyo wiil dhalinyaro ah kaasi oo wadanka Norway la keenay isagoo yar waxna ku bartay.

Hakinta ayaana timid kadib markii Qareenada u dooda Xaquuqda Qaxootiga ay si dhab ah u codsadeen in Baaritaan lagu sameeyo Howlaha Hay’ada ee dhanka Xaquuqda Qaxootiga ku sugan dalka Norway.

Codsiga Qareenada ayaa la aqbalay waxana dib loo dhigay Tarxiilka Mustafa Hassan oo lagu waday in 18 bishan laga saaro dalka iyadoo dib loogu dhigay 1 Bisha July ee isla sanadka soo socda.

Sida warbaahinta gudaha tabinayaan ma sahlana in Mustafa dib loogu celiyo dal uusan aqoon madama uu wax ku bartay Norway lakin go’anka laanta socdaalka ayaanan wali wax iska badalin.

Somaliska Oslo

Xigasho/VG

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here