Home Wararka Maanta Dowlada Sweden oo kordhisay ilaa dhamaadka Febraayo Sharci horay u jiray

Dowlada Sweden oo kordhisay ilaa dhamaadka Febraayo Sharci horay u jiray

0

Dowlada Sweden ayaa maanta ku dhawaaqday inay kordhin doonto xayiraada lagu soo rogay cabitaanka khamriga ee makhaayadaha iyo baararka wixii ka dambeeya sideeda fiidnimo ilaa iyo 28ka Febraayo.

Dowlada ayaa war saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in laga bilaabo horaanta bisha Maarso, makhaayadaha loo ogolaan doono inay bixiyaan cabitaanada aalkolada leh ilaa 10-ka habeenimo, tanina waxay dhaqan gali doontaa ilaa iyo 11-ka Abriil. Sida uu soo xigtay TT.

Dowlada ayaa u sababeysay fidinta xanibaadan inay tahay faafida cudurka ee ku badan dalka Iswiidan, iyo halista sii kordheysa ee ka dhalanaysa isbedelada virus ee ku faafaya wadanka Waxay xaqiijisay inay kordhin doonto xayiraadda haddii xaaladda cudurka aysan ka soo rayn.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here