Home Wararka Caalamka Degdeg: Xuutiyiinta oo ka jawaabay duqeymihii Mareykanka iyo Ingiriiska

Degdeg: Xuutiyiinta oo ka jawaabay duqeymihii Mareykanka iyo Ingiriiska

0

Hore waxaa jiray warka ah in kooxda Xuutiyiinta Yemen ay sheegeen inay sii wadi doonaan weerarrada ka dhanka ah maraakiibta badda cas ee lala xiriirinayo dagaalka Israa’iil ee Qasa, gaar ahaanna maraakiibta ‘xirriirka la leh Israa’iil’.

Afhayeenka kooxdaas, Mohammed Abdulsalam, ayaa ka hadlay weerarkii xaga cirka ee ay Mareykanka iyo Ingiriiska ku qaadeen Xuutiyiinta Yemen.

Qoraal uu soo dhigay barta X ee hore loo oran jiray Twitter, ayaa waxaa uu ku sheegay inay sii socon doonaan weerrarada lagu bartilmaameedsanayo badda cas, isla markaana uu saameyn doono maraakiibta Israa’iil ama kuwa ku socda dhanka dekedaha Falastiin.

Abdulsalam ayaa intaa ku daray, in Mareykanka iyo Ingiriiska ay ku ‘qaldanaayeen’ inay u maleeyaan in duqeymaha ay geysteen ay Yemen kahor istaagi doonto tageerada ay u fidinayaan dadka reer Falastiin iyo Qasa’.

Dhanka kale Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa fuliyay duqeymo xaga cirka ah oo ka dhan ah kooxda xuutiyiinta ee fadhigoodu yahay dalka Yemen. Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa sheegay in weerarkaasi ay soo agaasimeen Washington iyo xulafadiisa si buu yiri loo soo celiyo xasiloonida badda cas. Goobo ay fariisimo ku leeyihiin xuutiyiinta ayaa la weeraray.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here