Home Wararka Caalamka Wararkii ugu dambeeyay ee kiiska maxkamadda lala tiigsaday Israa’iil ee ka socda...

Wararkii ugu dambeeyay ee kiiska maxkamadda lala tiigsaday Israa’iil ee ka socda Hague.

0

Waa kiiskii qarniga oo hor yaalla Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda, qareennada Koonfur Afrika, iyo kuwa matalaya Israa’iil, ayaa doodi ku dhexmaraysaa Maxkamada taa oo ah mid aduunka oo dhan ay fiirinayaan.

Israa’iil miyay xasuuq u geysanaysaa dadka reer Falastiin ee ku nool Qaza? Koonfur Afrika ayaa sheegtay in waxa ka socda dhulka reer Falastiin ay dhab ahaantii tahay xasuuq, sidaas darteed ay dacwad u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee Hague bishii Dember 29, 2023 kii.

Laakiin ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dalkiisu uu ku dhaqmayo “anshax aan horey loo arkin inta lagu guda jiro ololaha millatari ee uu ka wado gudaha Qasa, halka afhayeen u hadlay dowladda Israa’iil uu la barbar dhigay kiiska Koonfur Afrika mid “been abuur dil”.

Maxaa ku jira faylka Koonfur Afrika ee Maxkamadda loo gudbiyay

Koonfur Afrika ayaa gudbisay dacwad sharci ah oo ka kooban 84 bog, iyadoo sheegtay in ficillada Israa’iil “ay xambaarsan yihiin xasuuq sababtoo ah waxay doonayaan inay burburiyaan qayb muhiim ah” oo ka mid ah Falastiiniyiinta Gaza.

Sida laga soo xigtay doodaha lagu soo bandhigay kiiska waxaa ka mid ah eedeymaha dilka Falastiiniyiinta, dhaawac halis ah oo jireed iyo mid maskaxeed, iyo in si ula kac ah in loo abuurayo xaalado loogu talagalay “in lagu gaysto dhibaato ku talgal ah.

Juliet McIntyre oo sharciga ka dhigta jaamacadda South Australia ayaa sheegtay in faylka Koonfur Afrika uu yahay “mid aad u dhammaystiran” oo “loo diyaariyey si taxadar leh”.

Waxay intaas ku dartay wareysi ay siisay BBC-da in feylka”uu ka jawaabayo dood kasta oo suurtagal ah oo ka imaan karta Israa’iil iyo in laga hadlo sheegasho kasta oo su’aal ka keeni karta awoodda maxkamadda ee kiiska la xariirta.

Koonfur Afrika ayaa ku dhawaaqday kooxda qareenada ah ee ku matali doona dalkeeda oo isugu jira qareeno iyo khubaro dhanka sharciga ah oo uu hogaaminayo John Duggar oo ah qareen isla markaana ka mid ah khubarada sharciga caalamiga ah ee ugu caansan dalkaas, wuxuuna ahaa wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan falastiiniyiinta oohoray garsoore uga soo noqday Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda.

Maxay ahayd jawaabta Israa’iil?

Afhayeenka xukuumadda Israa’iil Elon Levy ayaa sheegay in Israa’iil ay iska difaaci doonto kiiskan, waxa kale oo uu intaa ku daray in Xamaas ay si buuxda uga masuula tahay oo dagaalka iyadu bilowday.

Ilaa hadda, kooxda difaaca ee Israa’iil waxaa laga yaqaana Malcolm Shaw, oo ah qareen Ingiriis ah iyo aqoonyahan, kaas oo hore u ahaa lataliye sharci oo Israa’iil ah oo wakiil ka ahaa dalal dhowr ah.

Diala Shehadeh, oo u dhalatay dalka Lubnaan oo hore u ahaan jirtay qareen ka tirsan maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada, ayaa tiri, “Israa’iil waxay go’aansatay inay hor tagto maxkamadda, sababtoo ah waxay saxiixday axdiga xasuuqa ee Qaramada Midoobay soo saartay 1948-kii, sidaas darteed ma iska indho tiri karto kiiska.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here