Home Wararka Caalamka Darawal Taksiile Ah oo Labo Mar lagu Xiray Caasimada Stockholm

Darawal Taksiile Ah oo Labo Mar lagu Xiray Caasimada Stockholm

0

Darawal Taksiile ah ayaa lagu xiray Caasimada Stockholm labo mar kadib markii uu kaxeeyay rag soo geestay Dilal iyo Qaraxyo.

Dhacdada koowaad Waxay Dhacday Sanadkii hore bishii October Darawalka Taksiilaha ayaa Qof Macmiil ah kasoo qaaday Tullinge inkastoo Qofkaasi uu ahaa Qof Dil soo geestay.

Booliska Sweden ayaa Wadada u galay Xiligaasi isla markana xiray Darawalka Taksiilaha baaritaan dheer kadib waxa uu dib u helay Xurnimadiisa.

Mar kale si lamid ah Sidii hore Darawalka ayaa Qof Macmiil ah kasoo qaaday Degmada Lidingö ee Caasimada Stockholm Xili Qofkaasi looga shakisnaa inuu Qarax kasoo geestay Lidingö.

Booliska ayaa Wadada u galay Gaariga Taksiga oo halkaasi ku xiray Darawalkii iyo Qofka looga shakisnaa Weerarka inkastoo lasoo daayay baaritaan dheer kadib.

Sida Warbahintan lagu Qoray Bogga Aftonpladet Darawalka Taksiilaha ayaa lagu soo dalbaday App-ka Uber.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here