Home Wararka Caalamka Labo Nin oo Weerar ka geysan Lahaa Sweden oo Germalka lagu qabtay

Labo Nin oo Weerar ka geysan Lahaa Sweden oo Germalka lagu qabtay

0

Sida ay shaaciyeen Warbaahinta Dalka Germalka labo nin oo kasoo jeeda Dalka Afganistan ayaa lagu qabtay dalkaasi kuwaasi oo qorsheenayay in ay weerar ka geestaan Dalka Sweden.

Booliska Germalka ayaa marka hore qabtay nin 23 Sano jir ah oo qorsheenayay inuu weerar u geesto Xaruunta Barlamaanka Dalka Sweden halka maalin kadib ay qabteen nin kale oo 30 sano jir ah kuwaasi oo dhamaantood kasoo jeeda dalka Afganistan.

Sida lagu muujiyay Warbixinta Labada nin ayaa ka tirsan Kooxda IS ee Dalka Afganistan waxana uu Qorshahooda ahaa inay Rasaas ku furaan Xaruunta Barlamaanka Dalka Sweden iyagoo ka jawaabaya Falalka lagu gubay Quraan kariim ee ka dhacay Sweden.

Sanadihii u danbeeyay Dalka Sweden waxaa ka dhacay Falal lagu gubay Quraanka taasi oo ka dhalatay Caro xoogan inkastoo Dowlada ay dhoor jeer iska fogeesay tilaabooyinkaasi.

Somaliska Stockholm

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here