Home Wararka Caalamka Dalka Ruushka oo Gaaska ka jiray Denmark

Dalka Ruushka oo Gaaska ka jiray Denmark

0

Shirkadda gaaska ee Ruushka ee Gazprom ayaa ku dhawaaqday inay jartay sahaydii ay siin jirtay Danmark

Shirkaddu waxay sheegtay in laga bilaabo Arbacada 1da Juun, gaaska laga jarayo shirkadda Danmark ee Ørsted.

Sida laga soo xigtay Gazprom, sababta ayaa ah shirkadda Danish ayaa diiday in ay bixiso kharashka dhoofinta Rubles Ruush – taas oo ahayd dalab ka yimid Ruushka dhawaan.

Dhankeeda, shirkadda Danishka ee Ørsted ayaa tiri, “Waxaan xaqiijineynaa diidmadayada inaan ku bixinno Rubles, taasna waanu u diyaargarownay, waxaana rajeyneynaa inaan sii wadi karno bixinta gaaska macaamiishayada.”

Shirkadda Gazprom ee laga leeyahay dalka Ruushka ayaa sidoo kale shalay ku dhawaaqday in isla sababtaas awgeed ay u jareyso gaaska Holland si ay ugu biirto labada dal ee Poland, Bulgaria iyo Finland oo Ruushku uu gaaska ka jaray

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here