Home News in English War Muhiim Ah: Booliska Sweden oo bixinta Basaboorka War kasoo saaray

War Muhiim Ah: Booliska Sweden oo bixinta Basaboorka War kasoo saaray

0

Booliska Sweden ayaa shaaca ka qaaday in dib loo bilaabayo howsha bixinta baasaboorka kadib markii ay dib u habeyn ku sameeyeen qalabka lagu bixiyo baasaboorka ee dalka Finland saldhiga u ah.

Cilad ku timid mishiinka ayaa keentay liis sugitaan oo dheer, sidaa awgeed booliisku waxay filayaan in ay qaadan doonto bilaha xagaaga oo dhan ka hor inta aan wakhtiga sugitaanku ku soo laaban 5 maalmood oo shaqo, sidii hore.

Per Engstrom oo ah madaxa baasaboorada ee booliska Sweden oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi “ safaf dhaadheer ayaanu ku jirnaa, markaa wakhtiga la sugayo waa 30 maalmood wakhtigan xaadirka ah, lama filayo in aanu isbedel ku aragno bisha June, laakiin waxa aan rajaynaynaa in wax walba hagaagi doonaan. bishii Luulyo.”

Waxaa xusid mudan in boolisku uu kor u qaaday tirada codsiyada loo ogolyahay in lagu codsado baasaboorka, ilaa afar boqol oo kun oo codsi bishii, si looga hortago in dhibaatadan ay mar kale soo noqoto. Si kastaba ha ahaatee waxay qaadan doontaa wakhti in la xidho farqiga.

Booliisku waxay kula taliyaan dadka safarka ah ee u socda Midowga Yurub, Aagga Dhaqaalaha Yurub, iyo sidoo kale wadamada Schengen, inay codsadaan kaarka aqoonsiga, maadaama waqtiga bixinta uu inta badan qaato 5 maalmood.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here