Home News in English Barlamaanka Sweden oo Sharci Cusub Ansixiyay Maanta

Barlamaanka Sweden oo Sharci Cusub Ansixiyay Maanta

0
Photo/TT

Baarlamaanka dalka Sweden ayaa isku raacay in sare loo qaado da’da hawlgabka ee dalka.

Laga bilaabo sanadka soo socda ee 2023, qofku waa in uu gaadhay da’da 66 si uu u helo hawlgab dammaanad ah, u heli karo kabka guriyeynta dadka hawlgabka ah ama taageerada da’da, halka da’da hawlgabka hadda ay tahay 65 sano.

Laga bilaabo sanadka soo socda, suurtagal ma noqon doonto in la bilaabo xisaabinta hawlgabka gabowga iyadoo lagu saleynayo dakhliga ilaa laga gaaro da’da 63 oo hadda la samayn karo da’da 62.

Isbeddelka ku yimid xadka da’da hawlgabka ee Swedem waa natiijada korodhka cimriga nolosha, nidaamka hawlgabku waa in la waafajiyaa si uu ula jaanqaado horumarkan bulshada

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here